Sida aan ognahay inta aysan Burburin Dowladii Milateriga ahayd ee dalka ka talineysay wuxuu dalkeena Soomaaliya lahaa hal Manhaj oo mideysan dhanka Wax-bashada ahaa, luuqadii la doono ha ku baxaa Wax-bashada waxay kaloo laheyd sedex Uniform oo lagu kala garto heerka waxbarasho ee ardaydu kala yihiin, sida Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare, oo Min Raaskabooni ilaa Seylac ay ka sinaayeen maadaama ay xiligaasi waxbarashdu aheyd mid lacag la'aan ah.?
Balse markii ay meesha ka baxeen dowladii iyo kala dambeyntii dalka ka jiray, ayaa waxaa soo if baxay Dugsiyo wax-barasho oo goob ganacsi ahaan u shaqeeya oo buuxiyay kaalintii wax-barasho oo banaaneed, waa mid aad loogu baahnaa, Balse maxaa ka qaldan Dugsiyadaan wax-barasho ee maanta dalka ka jira?.
Dugsiyadaan Wax-barasho ka ganacsigooda wuxuu sababay in la bedelo habkii iyo qaabkii ay lahayd wax-barashadii dalkeena, waayo dugsi weliba wuxuu qaatay manhajkii uu doono dalkuu rabo ha ka qaatee, wuxuu kaloo qaatay Uniformkii la qurxanaaday nuucii uu doono ha ahaado.
Halkii ay maalmaha wax-barashada ee Toddobaadkii ka ahayd 6-maalmood laga dhigay 5-maalmood oo kaliya, maadaama Macalimiinta ka shaqeysa Dugsiyadaas lagula xisaabtamo saacado.
In meesha laga saaro in uu ardaygu ku dhoco wax Imtixaan la yiraahdo si uusan ganacsiga hoos ugu dhicin.
In uusan macalinka canaan karin ama uusan eryi karin Ardayga Asluubta xun ee aan u qalmin ardaynimo, si uusan dugsiga u dumin.
In maamulayaasha qaarkood oo ayagaba meesha la kensaday, ay macalinka ku hor canantaan ardayda hortooda, taas oo macalinka sharaftiisa iyo qadarintii uu ku dhex lahaa bulshada hoos u dhigeysa.
In Ardaygu uu 6-sano ku dhameeyo wax-barashadiisa ilaa Dugsi sare, halkii ay ka ahayd 12-sano, wuxuuna ardayga halkii sanad Dugsiyeed ku qaadanayaa duriistii 2-sano ku bixi lahayd taas oo macnaheedu yahay duruustii halka sano loogu tala galay oo sanad weliba qabyo looga tago.
Taas waxaa ka sii daran marka ardayda Cusub la geeyo dugsi wax-barasho in Imtixaan qiimeyn ah laga qaado si loo fadhiisiyo fasalka uu u qalmo, haddii uu ardaygaas wax ka qayaano Xisaabta sida Ku dar, Ka jar, Ku dhufo iyo U qeybi oo dhowr biloodna barifaati Ingiriis ah soo dhigto wuxuu markiiba fadhiisanayaa fasalka 6-aad ama 7-aad, wuxuuna ardaygaasi Dugsiga sare uga baxayaa muddo ka yar 4-sanadood.
In Dugsiyada qaarkoodna qiimeyninba heerka aqooneyd ee wax-barasho uu leeyahay Maca-linka ay qaadanayaan, Dugsiyada qaar ayaaba laga sheegayay in ay kala fadliyeeyaan Macalimiinta ayagoon eegeynin heerkooda aqooneed.
Markaa waxaa halkaa ka muuqda ardayda ka soo baxda Dugsiyada sare badankood ee hadda ka jira dalka inay yihiin arday waxbarashadooda aanay dhameystirneyn oo aqoontooda liidato waqti badan oo qaali ahna laga qasaariyay waayo dugsiyadu waa kuwo ganacsi oo tartan adag is kula jira, ayagoo ku tartamaayo tirada ardayda oo uu dugsi weliba heysto ayagoon fiirineynin tayada waxbarasho ee ardaydooda si ay dhaqaale fiican u helaan.
Hadda su'aashu waxay tahay sidee loo heli karaa wax-barasho dhab ah oo tayo leh, ka ganacsigeeduna uu ku sii socon karaa?.
Waa socotaa.
Waxaa Diyaariyay:
Abshir Cali Warsame.
warGeyska Dalmar Press

Xigasho: Dalmar.org
Ka Qayb Qaado, oo Caawi!
Madoneysaa in aad ka qeyb qaadato Mashruucaan? Fadlan nala soo xariir. Waxaan
ubaahanahay Qof noo turjumo qeypta Ardayda Mustaqbalka.
Nala soo xariir waxii
Faahfaahin ah
SFC Needs Your Help!
Do you believe that you can change the lives of others? Then send us a message!
We want Help with information for High school students section!
Contact us.
SFC Membership
Not yet a member of SFC?! What are you waiting for?
Explore the benefits of being a member of SFC
About SFC
Knowledge and education are the keys to success. Somalis for Change is a
website formed by a university student with the purpose of empowering the
Somali people and opening their minds to education.
Read More